Masiixiyiinta iyo Muslimku miyay Caabudaan Ilaah isku mid ah?
Fac ka hor dad badan oo reer galbeed ah (ay ka mid yihiin Masiixiyiintu) waxay la yaabanaayeen, haddii ay suurto gal tahay in diimaha kale ay caabudayeen Ilaah la mida kan Masiixiyadda. Waxa su’aashan la keenay marka la eego diimo badan oo kala gedisan oo ka jira dunida. Sida ay doontaba ha noqotee, maantana Masiixiyiintu waxa ay maqlayaan isla su’aashaas badanaana waxa ay ka maqlayaan Muslimiinta ay jaarka yihiin amaba ay ku kulmayaan meelaha shaqada, kuwaasoo tiro badan uugusoo hijrooday waddamada reer galbeedka isla markaasna ah diinta ugu weyn marka laga tago Masiixiyadda. Maaha waxaan caadi ahayn in la maqlo saaxiib Muslim ah oo jaarkiisa Masiixiga ah ku odhanaya, “Nagama duwanidin…waxaynu wada caabudnaa Ilaah isku mid ah”. Wakhtigan danbe ee haddaba ay soo baxday fikirka ah in diin kasta la aqbali karo iyo loo dulqaato dhaqamada kale, Masiixiyiintu waxa ay ku wareeraan su’aasha ah, Muslimiintu ma waxay caabudaan Ilaaha Masiixiyiinta?
Haddii qof uu muhiimadda siiyo waxyaabo ay iskaga mid yihiin oo gaara, waxa fududaan karta in fikirkan la waafaqo, khaas ahaan marka loo fiirsado in Muslimku ay sida Masiixiyiinta oo kale rumaysanyihiin hal Ilaah oo ah kan abuurya dunida. Intaas oo keliya maaha, ereyga Ilaah loogu adeegsado Kitaabka Quduuska ah ee afka Carabigu waxa weeyi Allaah, waxaanu la mid yahay midka ay Muslimku adeegsadaan. Su’aasha ah in Masiixiyiinta iyo Muslimku ay caabudaan isku hal Ilaah ayaa waxa ay noqonaysaa mid taagnaata weligeed, waanay sii kordhaysa inta ay tirada Muslimiinta ee ku nool galbeedku sii kordhayso, iyo dabcan caalamkaba guud ahaan.
Aan caddeeyo inaan ujeeddadaydu ahayn inaan ku doodayo adeegsiga ereyada Ilaah iyo Allaah macnohooda guud, sidiiyoo ay taasi ka dhigantahay in tarjumaadda Carabiga ee Kitaabka in loo raadiyo macne kale. Ujeedadayadu waxa weeyi in la falaqeeyo dabeecadaha udub dhexaadka ah ee Ilaah. ‘Kelinimada’ Ilaah waa sifadiisa uugu horreysa laakiinse miyaanay jirin dabeecado kale oo Ilaah ka soocaya ilaahyada kale kuwaas oo caddaynaya inuu yahay mid ka weyn waxa kale oo dhan? Su’aalaha sidan ah ayaynu rabnaa inaan u fiirsano.
Imika marka aan su’aasha si habboon u fahanno, akhristuhu wuxuu doonayaa inuu garto, “Sidee ayaan anigoo Masiixi ah uugu jawaabi karayaa jaarkayga?” Isla markaba ma waxaan isku dayaa inaan soo bandhigo dhinacyada Islaamka ee aan ogahay inay beenta yihiin? Ma waxaan ku bilaabaa farqiga muuqda ee u dhexeeya labadayada diimood? Tusaale ahaan, Qur’aanku wuxuu si adag u diidayaa in Ilaah loogu yeedho Aabbe. Muslimku waxay diidaan in Ciise loogu yeedho Wiilka Ilaah sidoo kalena waxay diidaan inuu Ciise isku tallaabta ku dul dhintay iyo inuu dhimashada ka sarakacay – kuwaas oo ah halbowlaha injiilka.
Haddii mawduucyada sidaas ah aan ku bilowno qof Muslim ah waxa hubaala inay taasi horseedayso muran. Taas beddelkeeda markaas waxa lagu bilaabi karaa waxyaalaha labada diimood isku waafaqsanyihiin, sida waxdaaniyada ama midnimada Ilaah oo kale. Qaabka sidan ah ayaa xikmad badan (guud ahaan marka loo hadlayo). Tani maaha mid ku salaysan tusaalihii naxariista badnaa ee nolosha Masiixa oo keliya (gaar ahaan dadka caadiga ah), balse sidoo kale waxa ay dhowraysaa waxbarista rasuullada. (Yooxanaa 4; 1 Korintos 9:19-22; 1 Butros 3:15-16; 2 Timoteyos 2:22-26)
Haddii ujeeddadeenu tahay inaan si jacayl ku jiro uuga hadalno runta, sida Kitaabka Quduuska ahi ina barayo, waxaynu u baahan doonnaa inaan adeegsano qaab wanaagsan. Waxaan si diirran saaxiibka Muslimka ah uuga jawaabi karnaa hadalkiisa ku saabsan in Masiixiyiinta iyo Muslimku ay caabudaan Ilaah isku mid ah. Waxa aan siin karnaa ‘faa’idada shakiga’, haddii sidaas loo hadlo. Dabcan, waxa gebi ahaanba suurto gal ah in saaxiibkeennaasi uu ogaado in caddayntu ay tilmaamayso jawaab gaar ah.
Waxa muhiim ah inaan qofka loo sheegin amarkan oo kooban. Laakiinse waa inaan akhrino hadalka oo dhammaystiran sida ku xusan Baxniintii 20:2-3, “Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.” Qisada Baxniintii ee Qur’aanku uu soo qaadanayaayi, waxa ay ka la mid tahay sida ay uugu qorantahay Kitaabka Quduuska ah badanaa, in kasta oo Qur’aanku uu ka tegayo 10 ka balaayo iyo Wanka Kormaridda. Xaqiiqadu waxa weeyi in: Muslimiintu ay ogyihiin fikirka guud ee ku saabsan qisada samatabixinta, iyo sidoo kale markii Badda Cas la kala jeexay si ay Israa’iiliyiintu u maraan. Muslimku haddaba, waxa ay waafaqayaan amarka uugu horreeya ee ku sugan Baxniintii 20:2-3.
Waxay u muuqanaysaa in Muslimku ay aqoonsanyihiin iyada oo Allaah uu awooddiisa la yaabka kale Israa’iliyiinta taagta daran ee la dhibo kagasoo bixiyay ciidankii Masriyiinta! Nasiib darro Muslimiinta badankooda haysataayi waxa weeyi, iyadoo bixinta la yaabka leh ay u qaataan wax sahlan. Waa run inay waafaqsanyihiin in Allaah uu lahaa awood uu wax ku badbaadiyo laakiinse muhiimaddeeda way iska dhafaaan maxaa yeelay magaca Badbaadiye kuma daraan 99 magac ee Allaah (sidoo kalena kuw u dhowdhow ee sida Bixiye kuma jiro liiska).
Dhinaca kale, Kitaabka Quduuska ahi, wuxuu marar badan kusoo celcelinayaa awoodda Ilaah iyo badbaadintiisa, waxaana weeyi iyadoo la muujinayo dabeecadda uu Ilaaha runta ahi kaga duwanyahay ilaahyada kale. Middan waxa si cad looga arki karayaa warbixintii uu Muuse siinayay soddoggiisii Yetroo, oo ahaa wadaad reer Midyaan ah. Waxaan arki karnaa in Muuse uu isaga u sheegay,
Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood. iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samato bixiyey. Markaasaa Yetroo ku farxay kulli wanaaggii Rabbigu reer binu 'iil u sameeyey oo dhan, iyo bixinta uu ka soo samato bixiyey gacantii Masriyiinta. Markaasaa Yetroo wuxuu yidhi. Ammaan waxaa leh Rabbigii idinka soo samato bixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii Fircoon; oo kaasu waa kii dadka ka soo samato bixiyey gacantii Masriyiinta hoosteeda. Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey..” (Baxniintii 18:8-11)
Siday Muslimiintu uuga jawaab celin doonaan markay maqlaan qisadan cajiibka ah? Waxay waafaqsanyihiin in Muuse Ilaahiisu uu yahay mid ka weyn ilaahyada kaloo dhan. Waa arrin caqli gal ah oo fudud. Laakiin inaynaan u qaadanin in qisadan oo keli ahi ay tahay mid ku filan. Xaqiiqada ku saabsan Ilaaha qaadirka ah oo badbaadada leh waxa weeyi in lagu xoogeeyo akhrinta qisooyinka kale ee nebiyada.
Tusaale wanaagsani waxa weeyi nebi Hoosheeca oo yimid boqolaal sano nebi Muuse dabadiis. Israa’iiliyiintu aad ayay wax u illaawi jireen sidaas dareedna nebiyadu waxay iyaga xasuusinayeen inay Ilaah oo keliya caabudaan. Hoosheeca 13:4 waxa aan ka akhrinaynaa, “Laakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.” (madoobaynta fartu waa tilmaamitaan)
Muslimka badankoodu waxay waafaqsanyihiin in Hoosheeca 13:4 ay ka tarjumaysa axdiga uugu horreeya, laakiin qaybta danbe waxay adkaynaysaaa “waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaanee” waana mid ay Muslimku fahmi karayaan. Waxa jira Muslimiin aan ku fikirin in magacani uu maanta shaqaynayo, waxaana jira kuwo tiro yar oo kasoo horjeeda isticmaalkiisu inuu jiro. Masiixiga middan fahmayaayi waxa weeyi mid dulqaadanaya oo samir yeelanaya. Waxa uu ogsoonyahay xikmadda odhanaysa “Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.” (Sabuurka 119:130, sidoo kale eeg 2 Timoteyos. 2:24-26)
Ma awoodi karno inaan sharraxaad ka bixin sababta ay Muslimiintu si gaar ah uugu jawaabaan magaca Ilaahiga ah ee Badbaadiye. Siday doontaba ha ahaatee, waxa xiiso leh iyadoo arrintani ina xasuusinaysa su’aasha hadalkan bilowday ee ah: “Masiixiyiinta iyo Muslimku miyay Caabudaan Ilaah isku mid ah?”
Dabcan waxa jira Muslimka qaar sii fisha meesha uu mawduucani ku soconayo iyagoo markaasna u booda gebogebada. Xaalado yarna, xitaa waxay sii xukumaan jawaabta su’aasha. Si kastaba ha ahaatee, waxa aynu kasoo qaadaynaa – dooddeena awgeed – in qofka Muslimka ah een la hadlaynaai uu ina siiyo iftiin cagaaran si hadalku u sii socdo. Dooddu waxay sii wadaysaa labo arrimood oo isugu jira tixgelin iyo fikir waxbarisi ku dheehantahay.
Yoonis waxa weeyi nebi ay Muslimku garanayaan in isaga Ilaah uu ka badbaadiyay dhimasho uu qarka u saarnaa. Sida qisadu daahfurayso, bad maaxyadu waxay ahaayeen kuwo khatar uugu jira inay qarqoomaan. Waxaad xasuusataa inay si baahiyi ku jirto u baryeen sanamyaday caabudayeen markii iyaga duufaanka baddu uu ku kacay. Laakiinse iyaga sanamyadoodu may badbaadin karaynin. Si kastaba ha ahaatee, ugu danbayntii waxay faleen wixii uu Yoonis iyaga u sheegay dabeetana kacdoonkii baddu isla markiiba wuu istaagay. Waa ay badbaadeen, “Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.” (Yoonis 1:16).
Yoonis wuxuu ka badbaaday cadhadii duufaanka dilaaga ah, kadibna wuxuu arkay arrin cabsi badan oo dhimasho ku dhow markii uu isaga nibirigu liqay. Si kastaba ha noqotee, si cajiib leh ayaa isaga loo badbaadiayay. Isagoo kalluunka weyn calooshiisa ku jira ayuu Ilaah baryay, “Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yaamayskii.... Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa; Wixii aan nidrayna waan bixinayaa. Badbaado waxaa leh Rabbiga.” (Yoonis 2:6-9).
Waxa jirta qiso aanu Qur’aanku xusin laakiinse dadka Muslimka ah xiiso gelinaysa. Waxa weeyi qisada Shadrak, iyo Meeshak, iyo Cabeednegoo. Waxa ay kasoo horjeesteen amarkii Boqorka ee ahaa inay u sujuudaan sanam. Muslim kastaa arrintan wuxuu kasoo qaadayaa mid geesinimo leh. Waxa iyagu ay waajaheen hanjabaaddii ahayd ciqaabka kaga iman doonay Nebukadnesar addeecis darrada amarkiisa awgeed. Ciqaabka ay la kulmi dooneeni wuxuu ahaa dhimasho. Haddaba iyagu inay dhintaan ayay ka doorbidayeen addeecis darrada Ilaah, waxaana weeyi arrintani ficil aad loola tacajabo (gaar ahaan xagga Muslimka). Si cajiib leh ayaa haddaba iyaga Ilaah u samatabixiyay iyadoo markaasna uu Nebukadnesar bixiyay amar ah, “Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixinayaa in dad kasta, iyo quruun kasta, iyo kuwa kasta oo kala af ah, oo Wax xun kaga hadla Ilaaha Shadrak, iyo Meeshak, iyo Cabeednegoo, la googooyn doono, guryahoodana laga dhigi doono meel digo lagu tuulo, maxaa yeelay, ma jiro ilaah kale oo sidaas wax u badbaadin karaa. Markaasaa boqorkii Shadrak, iyo Meeshak, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon.”
Qisooyinkan oo dhammi waxay tusinayaan awoodda Ilaah ee badbaadada. Maaha sidaas oo keliya, qiso kasta sanam caabudayaasha waxa ku waajahaya Ilaaha keliya ee runta ah oo ah kan xaqa u leh in la caabudo. Qiso kastaa waxay xoojinaysaa wixii laga bartay Yetroo oo ahaa in awoodda Ilaah ee badbaadintu ay tahay mid xoog leh oo ka duwan sanamyada. Marka aan haddaba qisooyinkan kala hadlayno saaxiibbadeen waxa weeyi inaan u takano inuu Ruuxa Quduuska ah ee Ilaah iyaga baraarujiyo, isla markaasna uu siiyo gaajo qoto dheer oo ay u qabaan inay iskood u akhriyaan Kitaabka Quduuska ah.
Imikana markale aan ka hadalno qisada Baxniintii. Markan iyada ah, waxaan dareen gaar ah siin doonnaa saamaynta ay ku leedahay dunida. U fiirso sida Ilaah uu ugu yidhi Fircoon, “Laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan” (Baxniintii 9:16). Fircoon wuu qalbi adkaaday markii ay Muuse waxyaalo badan isku waajaheen. Fircoon waxa sii adkaaday qalbigiisa iyadoo balaayooyinkiina midba midda ka danbaysaa ay kasii xumayd. Ugu danbayntii Ilaah wuxuu ciqaabay Fircoon iyo dadkiisii isagoo ku keenay balaayo aan hore uuga dhicin Masar dibna loo arki doonin! (Baxniintii 11:6). Baaxadda ay leedahay balaayadani waxay ahayd mid ilaa maantadan aan joogno dunida laga xasuusto. Qisada Baxniintu waxay noqotay mid qarniyada oo dhan la xasuusto, iyadoo 60 sano ka horna lagusoo shaac bixiyay filim, Tobanka Amar.
Wakhti dheer dabadiis badanaa filimaanta waa la illaawaa, laakiin filimkan iibsigiisu wuu sii socday; xaqiiqo ahaantiina, sanado yar ka hor waxa laga dhigay dhijital muuqaal ah. Sidaas darteed, maantadan la joogo qisada Baxniintu waxay noqotay mid sii caan baxda ilaa intii Steven Spielberg uu soo saaray iyadoo filim kartoon ah oo la yidhaahdo, The Prince of Egypt (Amiirka Masar). Sida Tobanka Amar oo kale ayaa filimkan waxa loo tarjumay luqado ah 17! Markaad ka fikirto waxaad aqoonsanaysaa in qisadani aanay ahayn mid wax u taraysa Muslimka oo keliya balse waxa kaloo ay waxtar u leedahay diimaha kale, sida Siikha, Hinduuska iyo kuwa la midka ah. Waxa jirta markaas in si aan xad lahayn ay diimuhu u wadaagi karaan qisada baxniintii.
Filimaantani waxay door weyn ka qaateen faafitaanka caanimada Ilaah Israa’iil ee Muuse usoo dhiibay tobanka amar. Inkasta oo Muslimiin badani waafaqsanyihiin in Rabbigu uu caan ka noqday dunida markuu ciqaabay Fircoon iyo sanamyadiisii, waxa laga yaabaa in qaar ay sheegaan in magaca Badbaadiye uu gaar u ahaa oo keliya dadka Yuhuudda. Dabiici ahaan marka la eego dadka uu badbaadiyay Ilaah waxay ahaayeen Israa’iiliyiinta sidaas darteedna waxay ahayd inay isaga u aqoonsadaan Badbaadiyaha. In dadka kale ay u aqoonsadaan Badbaadiye iyo inkalena waxay ahayd arrin kale.
Haddii Muslimiintu ay ku dadaalaan inay akhriyaan nebiyada waxay aqoonsan doonaan in Ilaah uu si cad u amray in dunidoo dhammi ay isaga u aqoonsadaan magacan gaarka ah. Sida qoran, “Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro. Dhulka darafyadiisa oo dhammow, i soo eega, oo kulligiin badbaada, waayo, anigaa Ilaah ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro. Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa.” (Ishacayaah 45:21-23).
Sidee Badbaadiyaha (Yuhuuddu) – Ilaah dunida u keeni karaa Badbaadada?
Waxaan soo aragnay sida nebiyada Axdiga Hore Ilaah uugu ammaaneen bixintiisa dhammayska tiran. Laakiinse waxa jira arrin ay nebiyadu tilmaameen oo la mid ah badbaadada. Nebiyadu waxay sii sheegeen in adeegaha Ilaah oo ah Masiixu uu iman doono. Ilaah waxa uu tibaaxay hawlgalka Masiixa isagoo leh, “Oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.” (Ishacyaah 49:6).
Todoba boqol oo sano kadib waxaynu arki karnaa sida waxsiisheegistan nebi Ishacyaah loo dhammaystiray sida ku xusan Injiilka waana markii Ciise Masiix uu dhashay. Kitaabka Quduuska ah iyo Qur’aankaba waxaan ka arkaynaa magac gaar ah oo iyadoo malagga la adeegsanayo la muujiyay (Suuradda 3:45; Matayos 1:21). Arrintan la wada aaminsanyahay laf ahaanteedu waxay horseedi kartaa falaqayn saaxiibtinimo ku jirto oo dhex marta Muslimiinta iyo Masiixiyiinta. Intaas waxa dheer, markaan u fiirsano mucjisadan layaabka leh ee ka ahaatay Allaah (Suuradda 30:21; 21:91), falaqaynteennu waxay noqonaysaa xiiso sii yeelata, “isagoo cusbo lagu daray” (Kolosay 4:6). Rajadeennu waxa weeyi in Muslimiintu ay u jeestaan inay si gaara u gartaan sida Masiixu u keenay badbaadada.
Marka laga hadlayo magac bixinta, waxa xiiso leh in la arko iyadoo Muslimiintu ay carruurtooda u doortaan magacyo macno samaynaya. Haddaan arrintan ku dabaqno sida Ilaah uugu doortay inuu magac u bixiyo ilmaha yare e dhashay oo ah Masiixa, waxaynu arkaynaa aragti cajiib leh. Waxaan Muslimiin badan weydiiyay, “Ma waxaad u malaynaysaa in Ilaah magaca Ciise uu u doortay si nasiib ku jiro mise waxaad u malaynaysaa in ujeeddo laga lahaa oo xikmadi ku jirtay?” Maxaad u malaynaysaa inay jawaabtoodu ahayd? Waxa ay sheegeen in Ilaah aanu magac u dooranin si nasiib ku jiro. Wuxuu u doortaa si ujeeddo ku jirto waayo wuxuu ogsoonyahay mustaqbalka waxa ku jira. Sida uu qoraa Muslim ahi u dhigay, magacu wuxuu ka tarjumaa shakhsiyadda qofka ama waxyaalaha uu qabto. Haddaan nahay Masiixiyiin arrintan si xooggan uuma waafaqno, gaar ahaan marka ay la xidhiidho magaca Ciise!
Kuwo ka mida Masiixiyiintu waxay ka yaabeen iyadoo Muslimiintu arrintan nagu waafaqsanyihiin – waxaana weeyi iyadoo Ilaah uu doorto magac ku habboon. Haddaba halkee ayay dooddani inoo kaxaynaysaa? Maxay tahay xujada xigtaayi?
Ma xasuusataa waxsiisheegistii Ishacyaah een waxyar kahor soo akhrinay? (Ishacyaahn49:6). Magaca la doortaayi waxay tilmaan yar inaga siinaysaa cidda ‘u fiirsan’ doonta aayaadka Allaah (Suuradda 30:31). Magaca Ciise, oo macnihiisu yahay ‘Ilaah waa badbaado’, wuxuu ku habboonyahay oo soo koobayaa Ishacyaah 49:6.
Waxaad xasuusan doontaa sida Axdiga Hore loogu tilmaamay badbaadada Ilaah ee khusaysa xaaladdo khatar lagu jiro. Si arrintaas la mid ah, Axdiga Cusub dhexdiisana Masiixa waxa lagu tilmaamay isagoo dadka ka badbaadinaya arrin noloshooda khatar gelinaysa oo ay ku guda jireen. Magaciisu waxa uu ka dhiganyahay isaga oo dadka xaaladaha sidaas ah ka badbaadinaya.
Ciise wuxuu bogsiiyay dad aan ahayn kuwo si yar oo fudud u xanuunsan balse si joogto ah u xanuunsan (Matayos 11:5; cf. Suradda 5:113)
Ciise wuxuu xertiisa ka badbaadiyay duufaan aad u daran.
Coos xitaa wuxuu badbaadiyay oo dib usoo nooleeyay dad dhintay oo xabaasha galay (Yooxanaa 11; Suradda 5:113)
Ciise wuxuu dadka ka badbaadiyay denbigooda (Luukos 19:1-10) sidaan ku arkayno qisooyinka Axdiga Hore waxaan baranay in Ilaah uu farageliyay oo badbaadiyay dadkiisu iyagoo kujiray xaalado khatar ah. Qisooyinka badankoodu waxay diiradda saarayaan badbaadada jidh ahaaneed laakiin marka si xeel dheer loo eego qisooyinkani waxay tilmaamayaan in Ilaah uu dadka badbaadiyay isagoo u denbidhaafaya. Axdiga Cusubina waxa uu ka hadlayaa isla xaqiiqadan iyada ah. Ciise dadka jidh ahaan oo keliya uuma badbaadin laakiinse wuxuu sidoo kale u badbaadiyay ruuxi ahaan. Labada arrimoodbana waa kuwo muhiim ah. Ilaah wuxuu ku dhex shaqeeyay Ciise si uu dadka uuga badbaadiyo dhimashada (samatabixinta jidh ahaaneed) iyo denbiga (badbaadin ruuxi ahaaneed).
Waxa laga yabaa in aragtiyahani ay indho-fur yihiin. Waxaad baratay in Muslimku ay ogsoonyihiin in Ilaaha runta ahi uu is muujiyay isagoo ka weyn sanamyada, sidaas darteedna waxa weeyi Ilaah qaadira oo wax badbaadiya. Sidoo kale waxaad ka yaabtay adoo arkay in Muslimku marka ay la doodayaan Masiixiyiintay, in ay garan karaan waxsiisheegista ku saabsan Masiixa ee ah inuu dunida oo dhan u keeni doono badbaadada (haddaanay arrintaas ogolaanin, ugu yaraan way ka fiirsan karaan!)
Inagoo isku dayayna inaan daba galno macnaha badbaadada iyo sida ay uuga muuqanayso Axdiga Hore iyo Axdiga Cusub, waxa laga yaabaa inay fajaciso kugu noqotay barashada in kuwo ka mida Muslimku ay ogsoonyihiin Ilaah oo magaca Ciise u doortay si xikmadaysan, iyo in magaciisu uu la macno yahay ‘Ilaah waa badbaado’. Maaha intaas oo keliya, macnahani wuxuu ka tarjumayaa shakhsiyadda Masiixa iyo waxyaalaha uu qabtay!
Waxa laga yaabaa in Masiixiyiintu ay isa su’aalaan. “Siday suurto gal u tahay in Muslimku ay waxyaalahan oo dhan rumaysanyihiin balse haddana aanay caqli gal u ahayn inay aqbalaan iyadoo Sayid Ciise uu yahay Badbaadiye?” Xaqiiqadu waxay tahay: way awoodi karaan inay buuxiyaan meelaha bannaan. Saynisyahanka samaynaya saaruukhu wakhti kuma qaadanayso inuu garto meesha ay dooddu u socoto. Haddaan akhrino Luukos 19:1-10 halkaasoo Ciise uu ku badbaadinayo isla markaasna ku cafinayo denbiilaha Sakhayos waxa laga yaabaa inuu buuxiyo meelaha bannaan ilaa laga gaadho dhimashada Ciise – badbaadadiisa cajiibka leh ee ku dul sameeyay iskutallaabta korkeeda isagoo qaadaya denbiyada dunida (Yooxanaa 1:29). Saddex ka mida sababaha ay Muslimku Ciise uugu aqbali laayihiin badbaadiye ayaa waxa ay yihiin:
Islaamku wuxuu diiddanyahay in Masiixu uu ku dhintay iskutallaabta korkeeda.
Muslimiintu waxay diidaan Ilaahnimada Ciise (runtii, tani waa denbi weyn oon la dhaafi karin).
Masiixi in la noqdaa waxay ka dhigantahay murtad in la noqday, taasna ciqaabkeedu waxa weeyi dhimasho.
Tani maxay ka dhigantahay marka aan eegno waxyaalaha aan hore uugasoo hadalnay, tusaale ahaan marka aan ka hadlayno Qaadirka Kelida ah (Allaah) ee wax badbaadiya? Guntii iyo gabagabadii, u fiirso su’aashan soo koobaysa hadalka; “Ilaaha ah Badbaadiyaha Yuhuuddu ma waxa uu la mid yahay Allaaha Islaamka?”
Marka halkan la joogo dooddeena, waxa laga yaabnaa in lagu kala dhaqaaqo. Waxa qalbigeennu uu ka xumaanayaa marka qofku uu dhabarka u jeediyo naxariista Ilaah ee ku imanaysa hal Dhexdhexaadiye – Wanka Ilaah ee qurbaanka ah, Ciise Masiix.
Waxaan ku kalsoonahay, akhristow, inaad qadarin doonto inay adagtahay in mawduuca badbaadada lagusoo koobo dhowr warqadood. Waxaan Ilaah ka baryayaa in arrintan aan sida kooban uugasoo hadalnay ay Masiixiyiinta iyo Muslimkaba ka caawin doonto inay arrimahan muhiimka ah si xikmadaysan oo is qadarini ku jirto u falaqayn doonaan. Aan maanka ku hayno sida Ciise uu wax uugu sheegay gabadhii reer Samaariya, ‘Ilaaha Aabbaha ahu wuxuu quruun kasta ka doonayaa inay isaga ku caabudaan ruux iyo run.’ Kuweena Masiixiyiinta ah, aan Ilaah ka barino in Ruuxiisu uu saaxibbadeena Muslimka ah qalbigooda u furo inay fahmaan badbaadada Ilaah. Aan ku baraarugsanaano jaanisyada ah inaan xidhiidhno oon wax isla falaqayno (sida Sayidkeennu uu tusaalaha inoogu bixiyay markuu la hadlayay naagtii reer Samaariya oo kale sida ku xusan Yooxanaa cutubka 4). Haddaad rabto inaad hesho maqaal tusinaya sida Masiixu uu reer Samaariya uula hadlay si nimco iyo run leh la xidhiidh Roland Clarke (ku qor af Ingriisiga).
Inagoo soo gebogebaynayna, aan si kooban u eegno diin kale oo ku dhisan tawxiidnimo waana diinta Samaaritaanka oo siyaabo badan uula mid ah Islaamka.
Ilaaha Samaaritaanku (Elohim) ma wuxuu la mid yahay Ilaaha Yuhuudda? (sidoo kale lagu magacaabo Elohim)
Dabcan waxaad arki kartaa inay isu eegyihiin su’aashan iyo su’aashii aan hore isu soo weydiinnay: “Ilaaha Qur’aanka (Allaah) ma wuxuu la mid yahay Allaaha Carabta Masiixiyiinta ahi caabudaan?” Labadan su’aalood jawaabtoodu waxay noqonaysaa ugu horreynta “Haa”. Laakiinse aan joogsano oo is weydiinno, “Sidee Ciise su’aashan uuga jawaabi lahaa?” Si taxadar ku jiro haddaan u akhrino cutubka 4 ee Yooxanaa waxay tusinaysaaa isagoo Ciise aan middan ka jawaabin. Si furan ayuu uula hadlay naagtii reer Samaariya, “Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.” (Yooxanaa 4:22-23).
Ciise iyada uuma aanu sheegin in sida ay u fahansantahay Elohim – oo ah magaca ay labada kooxoodba u adeegsadeen Ilaaha Qaadirka ah – ay tahay mid qaldan. Wuxuu iyada ku yidhi, “Idinku waxaad caabudaan waxaydaan aqoon.” Waxa haddaba Ciise uu iyada ku yidhi waa mid aad muhiim u ah. Wuxuu farta ku fiiqay oo tilmaamay waxa ay diinteedu ku qaldantahay – “badbaadadu waxay ka imanaysaa Yuhuudda.” Diinta Samaaritaanku sida Islaamka oo kale, waxa ay ku faantaa inay tahay diin ku dhisan tawxiid. Muddo dheer, waxay iyagu iska sooci jireen ilmaadeerradood iyagoo markaasna noqday ugu danbayntii kuwo ka fogaada mawduuca badbaadada ee nebiyadu ka hadlayeen. Badbaadada waxa la arki karaa uun marka la akhriyo waxsiisheegyada ku saabsan Masiixa. Waxsiisheegyadan waxa lagu diiwaan geliyay qorniinka ay Samaaritaanku kasoo qaadeen mid la bedelay oon faa’ido ku fadhiyin in la akhriyana aan mutaysan. Tusaale ahaan dhammaanba qorniinka nebiyada ee la qoray Tawreed dabadeed.
Xaaskayga ayaa waxay soo qaadataa tusaale marka ay sharraxayso cidda uu yahay Ilaah ee ay raacsanyihiin diimaha ku dhisan tawxiidku, tusaale ahaan Allaah ama Elohim. Kasoo qaad in taariikh nololeedka Nelson Mandeella uu qoray qoraa daacad ahi ugu horreyn. Wakhti danbe kadibna qoraa aan daacad ahayn ayaa waxa uu qoray taariikh nololeedka Mandeella oo muuqaal dahsoon ka bixinaya Mandeella. Labada qoraalba waxa ay isku magacaabayaan taariikh nololeedkiisa laakiinse midkood ayaan ahayn Mandeellaha runta ah.
Tusaalahani wuxuu sharraxayaa midka wanaagsan iyo ka beenta ah. Waxa weeyi midi taariikh nololeed ku saabsan Mandeella oo qofkastaa ogyahay inaanu Mandeella wax sidaas oo kale ah keeni doonin. Waxay u dhowdahay in sida uugu suurto galsan run loogu ekaysiiyay. Waxa weeyi sida denbiilaha foojariyeeya lacagta faalsada ah isaga oo markasta oo uu lacagtaas mid runa u ekaysiiyana noqonaya mid ku guulaysta inuu khiyaaneeyo dadka. Bilowgiiba waxaan soo taabanay sida su’aashan sida aadka ah la isugu weydiiyo: “Masiixiyiinta iyo Muslimku ma waxay caabudaan Ilaah isku mid ah?” ugu danbayntii, waxaan ku kalsoonahay inaad garawsato sida su’aashani muhiimka u tahay.
Qasiido Xidhitaan ah
Innagoo ka hadalnay ammaanta Ilaaha weyn ee badbaadada leh waxa halkan ku habboon beydka caanka ah ee ka midka ah qasiidada ‘Mighty to Save’ (Isagaa awood u leh inuu wax badbaadiyo). Marka aad ku dhawaaqdo “he can move the mountains (wuxuu dhaqaajin karaa buuraha)” waxaan rabaa inaad ka fikirto buurtii Muuse iyo dadkiisa ka horraysay markay hortaagnaayeen Badda Cas, “iyagoo ku xanniban cidlada” – waxaana iyaga markaas ku daba jiray Fircoon iyo ciidankiisii Masriyiinta ahaa waxaanay wakhtigaas u muuqatay in iyaga gacanta lagu dhigay (Baxniintii 14:3ff).
Hadalkeenna oo dhan waxa lagusoo koobi karaa: sifada uugu cajiibsan ee Ilaah ee isaga ka dhigaysa Ilaaha runta ahi waxa weeyi isagoo ah Ilaah qaadira oo wax badbaadiya. Isagoo keliya ayaa ah Badbaadiyaha. Waxa weeyi sida uu Ciise sheegay markuu la hadlaayay gabadhii reer Samaariya isagoo leh, “Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda.” (Yooxanaa 4:22, madoobaynta farta waxa loogu talo galay muujin ahaan).
Waxaa odhan karnaa, “Waxaan aaminsanahay hal Ilaah, sida ku qoran amarka uugu horreeya oo odhanaya, 'Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.'” (Baxniintii 20:3). Qaabkan haddaan qaadano waxaan u fududayn karnaa Muslimka waayo waxa weeyi arrin la mida sida uu aaminsanyahay. Xaqiiqatan, Muslimiinta badankoodu waxay ogsoonyihiin in amarkani uu yahay midka ugu horreeyay tobanka amar ee la siiyay nebi Muuse.